Russia iyo UAE oo ka kulmaya Syria

Lahaanshaha sawirka Reuters

Madaxweynaha Russia, Vladimir Putin, ayaa lagu wadaa inuu la kulmo amiirka dhaxalka leh ee Abuudabay si uu ugala hadlo dagaalka Syria.

Russia iyo UAE oo ay Abuudabay hoggaamiso, ayaa labaduba door muhiim ah ku leh Syria.

Russia, ayaa duqeysay falaagada iyada oo taageereysa madaxweyne Assad. UAE, ayaa qeyb ka ah isbahaysiga uu Mareykanku hoggaamiyo oo bartilmaameedkoodu yahay kooxda dowladda Islaamka, waxayna u arkaan in ay muhiim tahay in Assad xukunka laga qaado.

Labada dal, ayaa dana guud wada leh oo ah in lala dagaalamo xagjirinimada soo baxday.

Kulanka, ayaa ka dhacay magaalada Sochi ee Russia oo ah halka uu maanta ka dhacayo tartanka baabuurta ee Grand Prix.