Shan ku dhimatay diyaarad ku dhacday Afghanistan

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Diyaaradda ayaa burburtay xilli ay ku degeysay xero ciidan

Diyaarad helikobtar ah oo ay meelyihiin militariga Britain ayaa ku burburtay dalka Afghanistan, waxaana ku dhimatay shan qof oo saarneyd, shan kalena way ku dhaawacmeen.

Diyaaradda ayaa cilladowday xilli ay ku degeysay xerada taageerada farsamada ee ah meesha NATO ay tababarada ku bixiyaan oo ku taalla magaalada Kabul.

Wasiirka difaaca ee Britian oo London ku sugan waxa uu sheegay in laba kamid ah shanta qof ee dhimatay inay yihiin British.

Dalalka ay seddaxda kale ay ka soo jeedaan weli lama ogaanin.

Afhayeen u hadlay NATO ayaa sheegay in burburka uu ahaa shil, iyo cillad ku timi helikobtarta.

Goobjooga ayaa sheegay in diyaaradda baalasheeda ay ku dheceen cirifka buufinada kormeerka.