Diyaarad ku degtay Lafoole

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Lafoole ee ku yaal inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo Afgooye, ayaa sheegaya in diyaarad yar oo ay la socdeen lix ruux oo shisheeye ah ay si lama filaan ah ugu degtay waddada.

Diyaaradda, ayaa la sheegayaa in ay ku dagi weyday garoonka diyaaradaha ayna qasab noqotay in ay halkaa ku dagto.

Dadkii saarnaa diyaarada, ayaa kuligood bad qaba, marka laga reebo hal qof oo la sheegay in uu dhaawac gaaray.