Ololeeyayaal eedeeyay dacwad ooge

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Dilka wiilk 12 jir ka ah waxa uu ka dhacay goob gawarida la dhigto

Dad u ololeeya arrimaha bulshada oo ku sugan Mareykanka ayaa waxa ay eedeeyeen dacwad ooge daabacay warbixin u muuqata inay ku lug leeyihiin laba askeri oo loo haysto dilka wiil 12 jir madow ahaa oo qori la soo baxay.

Dhacdadaasi waxa ay sababtay caro ka dhan ah ciidamada caddaanka ah oo la sheegay inay awood xad dhaaf ah u adeegsadaan dadka madowga ah.

Mid ka mid ah ololeeyayasah oo lagu magacaabo, Edward Little, waxa uu sheegay in dacwad oogaha, Timothy McGinty uu isku deyaayay inuu ku lug yeesha go’aanka xeer beegtida ee ah in la dacweyn karo askartan iyo inkale.

Booliska ayaa wiilkaasi toogtay, Tamil Race, ilbiriqsiyo gudahood kaddib markii uu ku ciyaaray gaarigooda xilli uu isaga dheelayay meel bannaan ah, bishii November ee sanadkan.

Qof wacay waaxda gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in qoriga cunugaasi yar uu ku ciyaaraayay inuu ahaa mid been ah.

Laakiin askarta looma sheegin arrintaasi, balse caaradda jaallaha ah ee la soo bandhigay waxa ay ahayd qoriga caruurta ku ciyaaraan.