Dhimashadii ankara oo loo baroordiiqay

Lahaanshaha sawirka epa

Kumanyaal baroordiiqeysay, ayaa ka qeybgalay aaska dad badan oo ku geeriyooday weeraradii sabtigii ka dhacay magaalada Ankara.

Ra'iisul wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu, ayaa sheegay in qaraxyada bambaano ay ahaayeen isku day lagu saameynayo doorashada bisha dambe. Isagoo ka hadlayay Telefishin Turki ah, ayuu Davutoglu sheegay, in baarista xoogga lagu saaray kooxda Dowladda Islaamka.

Dowladda, ayaa sheegtay in ku dhawaad boqol ruux ay ku dhinteen markii labo qof oo walxaha qarxa ku xiran yihiin ay weerareen socod nabadeed.

Qabanqaabiyayaasha, ayaa tirada intaas ka badiyay. Dhibanayaal badan, ayaa ahaa dhaqdhaqaqayaal taageersan xisbiga kurdiyiinta ee HDP.

Lahaanshaha sawirka epa

Aaska maanta, ayey baroordiiqayaashu ku dhawaaqayeen halkudhigyo dowladda ka dhan, iyaga oo qaarna ku sheegayay in madaxweyne Erdogan uu tuug iyo dilaa yahay.

Dowladda, ayaa beenisay eedaha uga yimid HDP ee ah in dowladdu ka dambeysay weerarada.

Wariyaha BBC-da ee Turkiga, ayaa sheegaya in intii dalka laysku keeni lahaa ay weeraradan keenayaan kala qeybsanaan siyaasadeed oo dheeri ah.