Malaayiin gargaar u baahan Itoobiya

Lahaanshaha sawirka AFP

In ka badan 8 milyan oo ruux oo Itoobiyaan ah, ayaa kaalmo deg deg oo cunno u baahan, kaddib abaar daran oo ku dhufatay qeybo ka mid ah dalka, sida laga soo xigtay dowladda.

Warbixinta oo ka soo baxday xafiiska isku xira howlaha bani'aadamnimada ee Qaramada Midoobay (OCHA), ayaa sheegeysa in tani ay labo laab ka badan tahay tirada dadka kaalmada u baahnaa bilo ka hor.

Qaramada Midoobay, ayaa ka digtay in tiradaasi ay 15 milyan gaari karto sanadkana 2016ka.

Qiimeyn ay wadajir u soo saareen dowladda iyo hay'adaha caalamiga ee gargaarka, ayaa lagu sheegay in abaartu ay timid kaddib labo xilli oo aysan roobabku da'in.

Meelaha aadka waxyeeladu u gaartay, ayaa ah waqooyiga, bartamaha iyo gobolada bariga, halkaasi oo 8.2 milyan oo ruux ay cunno yari haysato.

350-kun oo carruur wadanka oo dhan ah, ayaa sidoo kale nafaqo darro xun haysaa. Xoolo kumanyaal ah, ayaa ku baaba'ay gobolada oonleyda ah ee xoolo dhaqatada Cafarta iyo Soomaalida.

Dowladda, ayaa u qoondeysay $190 milyan oo deg deg ah, balse Qaramada Midoobay, ayaa sheegaysa in dadaalka bani'aadamnimo uu u baahan yahay $590 milyan oo ah sanadkan iyo bartmaha sandka dambe ah.

Hay'adda saadaasha hawada ee dalka, ayaa ka digtay in roobab xoog leh oo hadda dalka ka da'a ay burburinayaan dalagga soo go'a, ayna xaaladda sii xumeynayaan .

Sodon sano ka hor, ayey Ethopia la kulantay abaartii ugu xumeyd ee wadanka ku dhufata, balse waa ay ka soo kabatay, iyada oo noqotay mid ka mid ah dalalka Afrika ee dhaqaalahoodu aad kobcayo.