3 ku dhimatay weeraro ka dhacay Quddus

Sadex Israa'iiliyiin ah ayaa middi lagu dilay, iyadoo dhowr iyo toban kalena lagu dhaawacay qaybo kala duwan oo Isreal ah.

Waxay qayb ka yihiin dooxid iyo toogashooyin isdaba joog ah oo halkaas ka dhacayay.

Laba hubaysan ayaa rasaas ku furay bas oo kadibna middi la dhexgalay rakaabka saaraan baska oo marayay bariga Quddus. Laba qof ayaa dhimatay, waxaana dhaawacmay tiro kale.

Daqiiqado kadib, qof kale ayaa baabuur galiyay boosteejada basaska ee bartamaha Qudus ka hor intuusan middi la dhexgalin dadka.

Ugu yaraan qof ayuu dilay, iyadoo dhowr kalena uu dhaawacay.

Magaalada Tel Aviv daafaheedana, qof ayaa middi dad ku weeraray.

Video la soo galiyay internet-ka ayaa muujiyay qofka weerarka qaaday oo ay garaacayaan dad wadada marayay.

Bishan oo kaliya in ka badan toban weerar oo middiyo loo adeegsaday, ayaa dhacay, taasoo sii kicisay rabshadaha dhexmaraya Israa'iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta, iyadoo ay jirto xiisad salka ku haysa xarumaha diinta.