Warbixin maanta laga soo saarayo MH17

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Diyaaradda Malaysia Airline

Warbixintii ugu horreysay ee rasmi ah ee laga sameeyo diyaaraddii Malaysia ee uu duulimaadkeedu ahaa MH-17 ee sanadkii la soo dhaafay ku dul burburtay deegaanka ay colaadda ka taagan tahay ee bariga Ukraine ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo bandhigo dalka Netherlands.

Guddiga Badbaadada Holland ayaa waxa ay u badan tahay in uu xaqiijiyo in gantaal uu soo diray diyaaradda u kala socdaalaysay magaalooyinka Amsterdam iyo Kuala Lumpur, hasayeeshee lama filayo in ay sheegaan cidda soo ridday gantaalkaasi.

Waxa ay qaraabada dadkii ku dhintay shilka u noqon doontaa maalin muhiim ah oo dareen xambaarsan.

Waxa ay rajaynayaan in warbixinta rasmiga ah ay soo gebagabayn doonto mala awaalka ku aaddan waxa sababay burburka diyaaradda.

Waxaa la filayaa in warbixintan ay xaqiijin doonto shakiga ballaaran ee laga qabo in diyaaradda uu haleeyay gantaalka BUK ee uu Ruushku sameeyo.

Dabcan warbixintu kama jawaabayso su'aasha muhiimka ah ee ah cidda ka dambeysay in diyaarada ay burburto.