Baaritaan weerarkii MSF oo bilaabmay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Isbitaalka MSF ee Kunduz ayaa wada burburay.

Hayadda gargaarka caafimaadka ee MSF ayaa sheegtay in Gudiga Caalamiga ee Xaqiiqa Baarista ee arrimaha bini'aadanimada, ay bilaabeen baaritaan inay ku sameeyaan weerarkii uu Maraykanka ku qaaday isbitaal MSF ee magaalada Kunduz ee dalka Afghanistan bishii hore.

Waa markii ugu horaysay ee uu guddiga shaqo bilaabo tan iyo markii la aasaasay 1991-dii.

MSF ayaa ku tilmaantay inay tahay tallaabo hore oo muhiim u ah baaritaan madax banaan in lagu sameeyo weerka oo ay ku dhinteen labaatan iyo laba qof.

Hayadda ayaa sheegtay inaysan isku halayn karin saddex baaritaan oo ay sameeyaan masuuliyiinta Maraykanka, Afghanistan iyo NATO.