Ebola oo jirka ragga ku jiri karta bilooyin

Lahaanshaha sawirka
Image caption Ebola Virus

Daraasaad cusub ayaa sheegaya in nimanka galbeedka Afrika ee ka badbaday Ebola, inay isticmaalaan kondom bilooyin badan si aysan ugu gudbin cudurka markay u tagayaan dumarkooda bilooyin ka dib.

Baarayaasha ayaa sheegay in Ebola Virus ay jirka ragga ku jiri karto ugu yaraan sagaal bilood markuu ka badbaado.

Baarayaasha ayaa qaaday saambalo shahwada ku dhawaad boqol nin oo reer Sierra Leone ah oo ka badbaaday cudurka.

Talooyinkii hore ayaa ahaan jiray inay nimanka ay iska ilaaliliyaan inay u tagaan dumar ama ay isticmaalaan Kondom saddex bilood markay ka badbaadaan cudurka kadib