Caabuqa Ebola oo ragga muddo dheer "ku raaga"

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Daraasaddani ayaa laga sameeyay wadanka Sierra Leon oo uu cudurka horey ugu fiday

Daraasad cusub ayaa lagu ogaaday in caabuqa Ebola uu ku raagayo ragga ugu yaraan sagaal bilood kaddib markii ay ka badbaadaan cudurka.

Muddadani waxay ka badan tahay intii horey loo maleynayay.

Cilmi-baarayaasha - oo saambalo ka qaaday shahwada ama biyaha ku dhawaad 100 rag ah oo ku sugan waddanka Sierra Leone - ayaa waxa ay ogaadeen in caabuqu uu weli la nool yahay afar meelood meel ka mid ah raggaasi, todoba ilaa iyo sagaal bilood kaddib markii ay cudurka usoo dhaceen.

Baaritaan kale oo gooni ahaa ayaa muujiyay in caabuqa galmada lagu gudbiyay xitaa lix bilood kaddib markii qofka lagu arkay cudurka