Kenya: Baarlamaanka Kenya oo ansixiyay sharci saxaafad

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Baarlamaanka Kenya.

Baarlamaaka Kenya ayaa ansixiyay sharci lagu muransan yahay ee ciqaabaya wariyayaasha. Wariyayaasha ayaa la kulmaya laba sanno oo xarig ah ama ganaax shan kun oo dollar hadii ay sheegaan wax loo arko in baarlamaanka sharaftiisa uu xumaynayo.

Golaha warfaafinta dalka ayaa ku dhaleecaysay sharciga inuu yahay mid la isku dayayo in lagu aamisiyo wariyayayaasha.

Madaxa golaha ayaa sheegay inay tahay mid loogu gafay xoriyada hadalka iyo saxaafada.