Osacar Pistorius oo xabsi guriga lagu wareejinayo

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Oscar Pistorius

Guddiga dib u eegidda dacwadaha ee Koonfur Afrika ayaa sheegay in orodyahan, Oscar Pistorius, laga sii dayn doono xabsiga toddobaadka soo socda.

Waxaa la dul dhigi doonaa wax uu guddigu ugu yeeray la socod dhaqan celin ah, waxaana la gelin doonaa xabsi guri.

Bishii Oktoobar sanadkii 2014-kii, ayaa waxaa shan sanno oo xarig ah loogu xukumay inuu dilay saaxiibtiis Reeva Steenkamp.

Waxaa lagu helay inuu masuul ka ahaa in gabadhaasi uu si uusan ugu tala galin u dilay.

Dacwad oogayaasha ayaa waxa ay ku eedeeyeen Pistorius inuu dil ula kac ah gaystay, hasayeeshee waxa uu sheegay inuu si uusan ugu talagalin saaxiibtii uga toogtay albaabka musqusha, isagoo ku khalday qof u soo dhacay guriga.