Suuriya: Ciidamada oo weerarary Homs

Lahaanshaha sawirka
Image caption Magaalooyinka u dhow Homs ayaa weerarka badan arkay.

Ciidamada Suuriya oo ay caawinayaan diyaaradaha Ruushka ayaa ka bilaabay weerar dhulka gobolka Homs.

Talefishinka dowladda iyo mucaaradka iyo ayaa sheegay in weerarka uu bilaabmay arroornimadii kahor, wuxuuna beegsaday meel ay mucaaradka haystaan oo ah jidka isku xira Dimishiq iyo waqooyiga iyo galbeedka waddanka.

Waxaa jira warar sheegaya in rayad iyo mucaarad ay ku dhinteen weerarka, ayna ciidamada dowladda soo galeen.

Wariyaha BBC ayaa sheegaya inkastoo Ruushka uu sheegayo inuu beegsanayo kooxda IS, in weerarkan uu muujinayo ujeedadu inay tahay in dib loo celiyo mucaaradka qatarta kuhaya madaxweyne Assad oo dhan.