Heshiiska Turkiga iyo Midowga Yurub

Lahaanshaha sawirka nc
Image caption Midowga Yurub ayaa rajaynaya in qorshaha uu yarayn doono qaxootiga badan ee imanaya qaarada.

Turkiga iyo Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay qorshe wax looga qabanayo qaxootiga imanaya Yurub.

Heshiiska ayaa Yurub ay Turkiga u balanqaaday balaayiin Euro oo gargaar ah iyo in dadkeeda loo fududeeyo Visaha ay ku soo galayaan waddamada Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa ku taageeray qorshaha lagu kordhinayo wadashaqaynta Yurub iyo Turkiga shir ay ku lahaayeen magaalada Brussels.

Madaxweynaha Gudiga Yurub Jean-Claude Juncker, ayaa sheegay in si cad loo sheegay xiriirka horumarka laga gaaro joojinta qaxootiga soo galaya Yurub iyo in la dadajiyo qorshaha dadka Turkiga loogu ogolaanayo Visa la'aan inay Midowga Yurub ku imaadaan.

Midowga Yurub ayaa qorshaynaysa inay siiso Turkiga saddex bilyan oo Euro oo gargaar ah oo loogu tala galay qaxootiga reer Suuriya ee imanaya Turkiga.

Waxaa kaloo dib loo eegayaa qorshaha Turkiga uu ku doonayo inuu ku soo biiro Midowga Yurub.