Hungary oo xudduuda Croatia xirtay

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Xudduuda uu Hungary la wadaago Croatia

Muddo bil ah kaddib markii ay xanibtay qulqulka muhaajiriinta iyo qaxootiga kaga soo gudbaya xuduudda waddanka Serbia, ayaa Hungary waxaa ay sidaasi oo kale ku sameysay xuduudda ay la wadaagto waddanka Croatia.

Tan iyo saqdii dhexe ee xalay shan ilaa sideed kun oo qof ayaa waxaa loo ogolaa in ay maalin kasta kasoo gudbaan xuduudda uu Hungary la wadaago waddanka Croatia, iyagoon la diiwaan galin kaddibna ay usii gudbaan xuduudda waddanka Austria.

Haatan isagoo ka jawaabaya tallaabda Hungary ayaa wasiirka arrimaha gudaha ee Croatia waxa uu ku dhawaaqay in kumanaan qof ay ilaa iyo haatan ku socdaalayaan gudaha waddamada Balkans-ka, kuwaasi oo la geyn doono xuduudda waddanka Slovenia.

Dowladda Hungary ayaa waxa ay ku adkeysaneysaa in ay difaaceyso xuduudaha Yurub iyaga oo hor istaagaya qulqulka muhaajiriinta.

Dadkase arrintaasi dhaliilsan waxa ay ku sheegayaan in qulqulka muhaarijiinta ay u wareyjinayaan dhankaa iyo galbeedka.