Cashuura oo labo ruux lagu dilay

Lahaanshaha sawirka FARS

Warbaahinta dowlada Iran, ayaa sheegtay in rag hubeysan ay labo ruux ku dileen munaasabadda Cashuura oo ka mid ah munaasabadaha ugu barakeysan Shiicada.

Labo ruux oo dadka cibaadeysanayay, ayaa weerarka ku dhaawacmay oo ka dhacay magaalada Dezful ee gobolka koonfur galbeed ee Khuzestan oo ku yaal xadka ay Iran la leedahay Ciraaq.

Booliska deegaanka, ayaa sheegay in aan la ogeyn waxa keenay toogashada. Warbaahinta dowlada, ayaa sheegtay in gobolka ay deggan yihiin bulsho badan oo Carbeed, kuwaasi oo qaarkood ay Sunni yihiin. Toddobaayadii dhawaa ayey dhowr weeraro oo hub loo adeegsaday dhaceen.