Ciidamada Slovenia oo heegan la geliyay

Lahaanshaha sawirka Reuters

Ra'iisul wasaaraha Slovenia, Miro Cerar, ayaa sheegay in ciidamadu ay heegan galeen si ay u caawiyeen booliska wax ka qabanaya mowjadaha muhaajiriinta oo halkaas laga celiyay, kaddib markii Hungary xiratay xadka ay la leedahay Croatia.

Hadalkan, ayuu sheegay kaddib kulan uu la yeeshay golaha ammaanka qaranka Slovenia. Boolis dheeri ah, ayaa la soo dhigay xadka dalka ilaa habeen barkii.

Wariyaha BBC-da ee magaalada xadka Croatia ee Cakovec, ayaa soo sheegay in tareeno iyo basas lagu geeyay dadka dhowr goobood oo Slovenia ah.

Hungary, ayaa sheegtay in lagu qasbay in ay xadkeeda xirato, kaddib markii Midowga Yurub ku guuldareysteen in ay ilaaliyeen xuduudaha gudaha Yurub.

Dhinaca kale, hay'adda qaxootiga Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in ay dhaafeen lix boqol oo kun, muhaajiriinta sanadkan imaanaya Yurub.