Afrika oo ciidamo heegan ah sameysaneysa

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Howlgalka ugu weyn ee AU hadda waxa uu ka socdaa Soomaaliya.

Wada hadallo socday tani iyo sanadkii 2003dii ayaa waxa ay ku saabsanaayeen sidii Afrika ay u yeelan lahayd ciidmo heegan ah oo si degdeg ah uga jawaaba xilliyada iyo meelaha ay rabshadaha ka dhacaan ee qaaradda gudaheeda ah.

Ciidamadan ayaa loo bixinayaa xoogagga heeganka ee Afrika ASF, waxayn ahayd inay shan sano ka hor ay diyaar ahaadaan, laakiin dhowr jeer ayaa xilliga dib loo dhigay.

Waqtiga cusub ee la doonayo in ciidamadani ay si buuxda shaqadooda u billaabaan waxa ay tahay bishan December ee dhammaadka sanadkan.

Ciidamadan heeganka ah waxa ay ka koobnaan doonaan 25 kun oo askeri, waxaana aasaas u ahaan doona amniga iyo nabadda qaaradda.

Waxaa loo qeybin doonaan Shan brigade ama guuto oo mid kastaa ay ka imaaneyso shanta qeyb ee qaaradda Afrika, sida, Galbeedka, SADC ee Waqooyiga, Bartamaha, bariga iyo waqooyiga fog ee Afrika.

Lakiin caqabadda ugu weyn ee ciidamadan ay wajahayaan waxa ay tahay dhaqaalaha meesha ay ka helayaan.

Dhammaadka bisha January ee 2016ka, shirka midowga Afrika, waxaa la filayaa in madaxa guddiga AU, Dlamini Zuma inay ka hadasho xilliga ay ciidamada heeganka ee Afrika ay shaqadooda billaabayaan.

Unkumidii dhowaantan ay dalalka Galbeedka Afrika ku sameeyeen ciidamo la dagaallama Boko Xaram waxa ay muujineysaa sida degdegga ah ee loogu baahan yahay ficil.