Natiijada doorashada Guinea oo lagu dhawaaqay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Labada musharax ee ugu cadcadaa waxa ay ahaayeen Alpha Conde iyo Cellou Diallo

Guddiga doorashada ee dalka Guinea, waxa uu ku dhawaaqay in madaxweynaha hadda talada haya inuu markale ku guuleystay doorashadii la qabtay.

Alpha Conde ayaa helay ku dhowaad boqolkiiba 58 codadkii la dhiibtay, sida uu guddiga sheegay.

Abdourahmane Dia ayaa warkan kasoo diray magaalada Dakar ee dalka Senegal.

Conde oo 77 sano jir ah, waxaa suuragal ah in tani ay noqotay markiisii ugu dambeysay ee labaad ee xilka madaxweynaha ee dalkaasi uu qabto.

Ninka sida wayn ula tartamaayay, Cellou Dalein Diallo, oo goobaha doorashada kala baxay wakiilladiisa ayaa la sheegay inuu helay 31 boqolkiiba.

Hogaamiyaha mucaaradka ugu ballaaran ee Guinea, ma uusan sugin illaa uu natiijada ku dhawaaqo guddiga, wuxuuna qaadacay arrintan xilli hore.

Waxa uu sheegay in laaluush iyo waxyaabo badan oo aan sharci ahayn inay doorashada hareysay.

Waxa uu sheegay in uusan maxkamad aadeynin natiija kastaa oo soo baxdo. Wuxuuna taageerayaashiisa u sheegay inay isdejiyaan oo ay ka qeybgalaan dibadbax nabadeed.

Laakiin xisbiga talada haya ee Madaxweyne Alpha Conde waxa ay mucaaradka ugu baaqayaan inay natiijada aqbalaan ayna walaaca joojiyaan.

Korjoogtada caalamiga ah ayaa waxa ay sheegayaan in dhibaato ay jirtay maalintii doorashada, laakiin ceebahaasi yaryar aysan saameyneynin natiijada.

Waxaa la sheegayaa inay rabshada u dhexeeya taageerayaasha labada dhinac ay ka jiraan meelaha qaar. Laakiin maalintii doorashada waxa ay ahayd mid nabadeed.