Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Weriye indhoole ah oo ka shaqeeya Muqdisho

Inkastoo xaaladda ammaan ee Soomaaliya ka soo raynaysay sanadihii ugu danbeeyay haddana waxa ay meel sare uga jirtaa dalalka ugu khatarta badan ee weriye ka shaqeeyo aduunka oo dhan, kumana sii jirto weriye araga la' oo xaalladaasi ku shaqeeya.

Cabdifataax Xasan Axmad waa weriye araga la' oo mudo ka badan toban sano ka shaqaynayay magaalada Muqdisho, weriyaha BBC Ibraahim Maxamad Aadan ayuu uga waramay xaallada uu ku shaqeeyo iyo sida ay ugu suurtagashay in uu suxufi noqdo.