Zambia oo laga sameeyay Alle bari

Dalka Zambia, ayaa laga sameeyay maalin duco qaran iyo soon oo Alle looga baryayo in uu ka gargaaro sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada dhaqaale ee dalka.

Maqaayadaha, ayaa la xiray iyadoo tartamada kubadda cagta dib loo dhigay. Qiimaha lacagta Zambia ee Kwacha, ayaa 45 boqolkiiba hoos u dhacday marka loo eego doolarka ilaa bilowgii sanadkan, taasi oo ay ugu wacan tahay hoos u dhac ku yimid qiimaha macdanta oo ah waxa ugu badan uu dalku dhoofiyo.

Madaxweyne Edgar Lungu, ayaa lagu wadaa in uu ka hadlo kulanka Alle bariga ee ka dhacaya caasimadda Lusaka.