Nin Ereteriyaan ah oo lagu dilay Israel

Booliska Israel, ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii lagu heli lahaa dadkii garaacay isagoo dhulka yaal nin Ereteriyaan ah, kadib markii uu ilaallo ammaanka ah toogtay.

Ninka, ayaa lagu qalday inuu ahaa qofkii geystay toogasho meel basaska laga raaco ka dhacay ee koonfurta Israel, halkaasi oo askari lagu dilay.

Muuqaal video ah, ayaa lagu arkay ninka Ereteriyaanka ahaa oo dhiig dhex jiifa, ayna garaacayaan dad badan oo Israeliyiin ah. Kaddibna waxa uu u dhintay dhaawacyadii soo gaaray.

Mas'uuliyiinta Israel, ayaa sheegay ninkii geystay weerarkii hore ee ka dhacay Beershiba uu ahaa Israeli reer miyi ah.