Qarax lagu dhintay oo Lubnaan ka dhacay

Lahaanshaha sawirka Reuters

Wararka ka imaanaya Lubnaan, ayaa sheegaya in qarax ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dhowr ruux uu ka dhacay magaalo ku taala xadka Suuriya oo ay ku sugan yihiin tobannaan kun oo qaxooti Suuriyaan ah.

Wararka qaar, ayaa sheegaya in ciidamada Lubnaan ay bartimaameedsanayeen maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan banaanka magaalada Arsal.

Magaalada, ayaa labadii sano ee la soo dhaafay aheyd meel rabshado ay ka taagan yihiin.

Xilligii uu socday dagaalka u dhaxeeyay xagjiriinta iyo ciidamada Lubnaan oo ku dagaalamayay gacan ku haytan magaalada Arsel sanadkii tagay, ayey dagaalyahanada labada koox ee dowladda Islaamka iyo Jabhadda Nusra oo xiriir la leh Alqaacidda ay afduubteen tiro ciidamo ah oo boolis ay ku jiraan. Ugu yaraan afar, ayaa la dilay.