Madaxdii lagu afduubtay Badhan oo la daayay

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi , iyo guddoomiyaha hay'adda Samofalka Taakulo, Cumar Jaamac Faarax, oo xorriyadoodi dib u helay.

Labada mas'uul oo ka tirsan Somaliland, oo shalay lagu qabsaday degmada Badhan, ayaa goor dhoweyd oo ay la soo xidhiidheen BBC, waxay u cadeeyeen in xorriyadoodii loo soo celiyay oo la soo daayay dhammantood oo ka koobnaa sideed ruux.

Waxay sheegeen in ciidamo deegaanka Sanaag bari oo taageersan Puntland ay ku haysteen magaalada Badhan, wax dhibaato ahna aanay u geysan.

Masuuliyiintan oo haatan ku soo jeeda degmada Ceerigaabo, waxay markii hore u tageen deegaanka Sanaag bari wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyaasha doorashada Somaliland ee la filayo march 2017.

Deegaanka Sanaag bari waxaa ku murma badanaa Somaliland iyo Puntland.