Dagaal cuslus oo ka socda Xalab

Lahaanshaha sawirka Reuters

Dagaal culus, ayaa laga soo sheegayaa dhowr goobood oo safka hore dagaalka bartamaha iyo waqooyiga Syria.

Ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka isbahaysiga la ah ee uu Ruushku ku taageerayo duqeynta cirka, ayaa hora ugu sii socda fariisimaha falaagada ilaa shan gobol.

Ruushka, ayaa sheegay in ay duqeyntoodu ku burburiyeen saldhig muhiim ah oo ay kooxda dowladda Islaamku leedahay. Balse wariyaha BBCda, ayaa sheegaya weeraro badan oo ay dowladdu qaaday iyo duqeynta cirka ay ku socoto kooxaha aan dowladda Islaamka aheyn.

Ololeeye aad loo yaqaano oo Suuriyaan ah, ayaa BBC-da u sheegay in kumanyaal ay ka qaxeen dagaalka xoogeystay ee ka socda magaalada ugu weyn koonfurta Suuriya ee Xalab.