Mudaaharaadyo ka dhacay Congo

Hub culus ayaa laga maqalayay caasimada Congo ee Brazzaville, kadib markii taageerayaasha mucaaradka ay isku dayeen inay mudaaharaad ku yimaadaan bartamaha magaalada.

Masuuliyiinta ayaa mamnuucay dibadbax ka hor inta aan la qaban afti muran badan dhalisay, oo dabayaaqada todobaadkan loo qaadayo in madaxweyne Denis Sassou Nguesso loo ogolaado inuu xilli sedexaad uu xukunka qabto iyo in kale.

Weriye ku sugan Brazzaville ayaa sheegay in magaalada ay kala xiran tahay wadooyinkana ayna baabuur maraynin.

Internetka, adeegyada fariimaha telefoonada iyo raadiyaha caalamiga ah ee Franciiska ayaa lajaray.

Mr Sassou Nguesso oo ah 72-jir ayaa madaxweyne ahaa 32-sanno laba goor.