Askari lagu mindiyeeyay Israel

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Falastiiniyiin mudaaharaadaya.

Milatariga Israel ayaa sheegay in nin Falastiiniyiin ah uu ku mindiyeeyay askari Daanta Galbeed weerarkii ugu danbeeyay ee toddobaadyo socday.

Milatariga ayaa sheegay in ninka weerarka qaaday la toogtay.

Askariga reer Israel ayaa lagu soo waramayaa inuu dhaawacmay.

Dhacdo kale, ayaa shaqaalaha caafimaadka ay sheegeen in nin reer Israel uu u dhintay dhaawaciisa kadib markii baabuur lagu marsiiyay Daanta Galbeed.