Digniin laga soo saaray Malariyada

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Kaneecada keenta Malariyada.

Daraasaad la sameeyay ayaa sheegya malariyada u adkaysan karta daawada oo ku faafaya Koonfur Bari Asia inay u soo gudbi karto Afrika oo dad badan noloshooda qatar galin karto..

Tijaabo lagu sameeyay laabka ayaa muujisay in cudurka oo u adkaysan kara daawada kaneecada ee ugu fiican, Artemesenin, uu ku faafin karo cudurka kaneecooyin kala duwan oo ay ku jirto kaneecada cudurka malariyada sida ee Afrika.

Maxadka Caafimaadka ee Maraykankan oo sameeyay baaritaanka ayaa ka digay in hadii cudurka uu gu gudbo Afrika inuu dhibaato badan keeni karo.

hayadda caafimaadka ee WHO ayaa ku qiyaasaysa in dhimashada cudurka Malariyada ay hoos u dhacday lixdan boqolkiiba, waxayna ka digtay hadii Artemesenin ay shaqayn waydo in malaayiin qof ay qatar kui jiraan.