Oscar Pistorius oo la geliyay xabsi guri

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Pistorius waxaa lagu xukumay Shan sano oo xabsi ah

Orodyahanka ciyaaraha fudud ee Oscar Pistorius ayaa maanta la filayaa in xabsiga laga siidaayo, si inta uga dhiman shanta sano ee xabsiga uu ugu dhammeysto guri.

28 sano jirkan, waxaa lagu helay dembi ah inuu si ulakac ah u dilay saaxiibadiisa, Reeva Steenkamp, waxaana la xiray bishii October ee sanadkii la soo dhaafay.

Ms Steenkamp ina adeerteed, Kim Martin waxa ay sheegay in reerkooda ay aaminsan yihiin in si tartiib ah uu fasax u helaayo, laakiin waxaa loo maleynaayaa inay doonayaan in ay mar un la kulmaan.

Ku dhowaad sanad ayaa hadda laga joogaa markii la geeyay xabsiga Kgosi Mampura, Oscar pistoruis waxaa laga furay albaabada ku xiranaa, 20 daqiiqo ayuuna ku qaatay guriga adeerkii.

Taasina waxaa loo sameeyay si warbaahinta dooneysa inay warkaasi tabiyaan looga leexdo.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Pistorius waxa uu ku guuleystay billada dahabka ee orodka curyaaniinta

Afarta sano ee soo socota ee uga dhamin xabsiga lagu xukumay ayuuna ku dhameysan doonaan xabsi guri.

Xilligii xabsigan lagu xukumaayay, way iska muuqatay in arrintan loo tixgelin doono siideyn sharafeed.

Inkastoo sababta rasmiga ah ee xabsi guriga loo gelinaayo aan la cadeyn, waxaa la filayaa inaan loola dhaqmin sida maxbuus, laakiin waala xadidaayaa dhaqdhaqaaqiisa.

Sidoo kale looma ogolaan doono inuu qori yeesho, baaritaano dhanka maskada ah ayaana lagu sameyndoonaa.

Waxaa sidoo kale la filayaa inay jiridoonaan xilliyo uu qabto howlaha dadweynaha.

Lahaanshaha sawirka AFP Getty
Image caption Pistorius waxa uu sheegay in saaxiibadii uusan si ulakac ah u dlin oo uu u maleeyay tuug guriga soo galay

Wareysi ay siisay, BBC-da, Kim Martin, oo ilma adeer lahaa Reeva Steemkamp, waxa ay sheegtay inay dareemeyso in la fasaxaayo Pistorius, laakiin ehelka waxa ay sheegayaan inay ku booqan doonaan guriga lagu xirayo xilliga waqti uu u saamaxo.

Reeva ayaa waxaa toogtay Mr Pistorius oo sheegay inuu u maleeyay tuug gurigiisa soogalay.

Dhanka kale, qof ka mid ah ehelka orodyahanka ciyaaraha cuuryaaniinta ka qeybgala, waxa uu sheegay in xaaladda jirkiisa inay aad u liidato, wuxuuna xaqiijiyay inaysan u badneyn iuu ku noqdo orodada.

Fasaxan Oscar Pistorius waxa uu nqon karaa mid gaaban. Laba isbuuc gudahood, racfaan loo gudbiyay maxkamadda sare ayaa la dhageysan doonaan, kaas oo ku saabsan in dacwadda dilka ulakaca lagu badalo dil.

Haddii taasi ay guuleysato Mr Pistorius waxa uu dib ugu noqon doonaa xabsiga, waxaana lagu xukumi doonaa xabsi kan hadda ka dheer.