Slovenia oo doonaysa caawinaad qaxooti

Image caption Waqtigii qabowga ayaa la gaaray iyadoo qaxootiga aysan haysan hoy.

Slovenia ayaa ugu baaqday dalalka Midowga Yurub iyo hayadahooda inay muujiyaan taageero iyadoo ay la halgamayso kumanaan qaxooti oo waddanka soo galay maalmihii ugu danbeeyay.

Dowladda ayaa ku tilmaantay imaashada qaxootiga culays wayn oo aan laga sugi karin waddan laba milyan dadkiisu yahay inuu u adkaysto qaxootiga, halka waddamadii ka waynaa ay ku guul daraysteen.

Dowladda Slovania ayaa gaynaysa ciidan caawiya ilaalada dadka ka soo galaya xuduudda Croatia.

Slovenia ayaa ah waddanka ugu danbeeyay, ee la halgamaya qaxootiga tirada badan ee ka soo gala Bariga Dhexe iyo Afrika ee sii maraya waddamada Balkanska si ay u tagaan waqooyiga Yurub.

Croatia iyo Slovenia ayaa yareeyay xayiraada xuduudoodda kadib markii kumanaan qof ay saacado kuy xayirnaayeen qaboow iyo roob.