Madaxweynaha Shiinaha oo booqanaya UK

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Booqashada Mr Xi ee UK waxaa loo arkaa mid muhiim ah

Xubnaha qosyka boqortooyada iyo siyaasiyiin ayaa la filayaa inay salaamaan madaxweynaha Shiinaha Xi Jingping oo afar maalin oo booqasho ah ay uga bilaabatay Britain.

Asiga iyo xaaskiisa , Peng Liyuan, waxa ay ka qeybgali doonaan kullan ka dhici doona dhismaha Buckingham, kaas oo ay qabaneyso boqoradda UK.

Mr Xi ayaa sidoo kale la hadli doona baarlamaanka Britain, kulamo gooni gooni ah ayuuna la yeelanayaa Ra’iisul wasaaraha David Cameron iyo hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha Jeremy Corbyn.

Afhayeenka Mr Cameron waxa ay sheegtay inaysan jiri doonin wax aan laga wadahadleynin inta uusocdo kullanka ra’iisul wasaaraha iyo Mr Xi ay yeelanayaan.

Waxa ay tilmaamtay in qiima yaraanta waxyaabaha Shiinaha ay suuqa soo geliyaan, ee Britain ay ku eedeysay Shiinaha iyo weerarada dhanka Internetka in la iska soo qaadi doono xilliga uu socdo kullanka.

Safarka oo ah kii ugu horeeyay ee hogaamiye Shiinaha ka socda uu ku tago UK tani iyo 2005tii, waxaa ka qeybgalaya saraakiil labada dhinac ka kala socota, maadaama la sheegayo in xilli cusub oo saaxiiibtinimo ay u bilaabaneyso labada dal.

Waaxda keyd haynta ee Britain waxa ay rajeynayaan in Shiinaha ay noqoto meesha labaad ee ganacsiga ugu weyn ay la yeeshaan 10 ka sano ee soo socota.

Britain oo booqashadan siineysa muhiimad gaar ay ayaa waxa ay shiinaha la saxiixaneysaa dhismaha iyo maalgelinta xarun cusub oo awoodda nuclearka looga dhaliyo Koronto oo laga dhiso UK.

Laakiin eedeymo soo baxa waxa ay sheegayaan in dhibaatooyiinka ka dhan ka ah xuquuqda aadanaha ee Shiinaha lagu eedeeyay in aan laga wadahadli doonin.