UNHCR: Qaxootiga imanaya Gariiga oo sii badanaya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaxootiga ayaa soo badanaya iyadoo la galay waqtigii qabowga.

Hayadda qaxootiga ee Qaramada ee UNHCR ayaa sheegtay in tirada qaxootiga imanaya Gariiga sanadkan ay dhaaftay nus milyan.

Dadka badankood ayaa ka imanaya Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan. Masuuliyiinta Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dadka imanaya jasiiradaha Gariiga ee Lesbos, Chios iyo Samos aysan yaraan iyadoo qabowgii uu bilaabmay.

Dadka imaaday afartii maalmood ee ugu danbaysay oo ahaa afartan iyo shan kun ayaa ka badan intii kulaylaha imaatay.

Hayadda ayaa mar kale ku baaqday in xeryo qaxooti laga sameeyo Gariiga si dhaqso ah, iyadoo ku doodaysa hadii aan la samayn in heshiiska Midowga Yurub ee dib u dejinta qaxooyiga uu guul daraysan doono.