US oo weeraray xabsi ay leedahay kooxda Daacish

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption kooxda Daacish waxa ay ka howlgashaa Suuriya iyo Ciraaq

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in komaandoos Ameerikaan iyo Kurdi isugu jira ay soo samata bixiyeen daraasiin dad ah oo lagu haystay xabsi ay gacanta ku hayaan mintidiinta Dawladda Islaamiga ee waqooyiga Ciraaq.

Ilaa todobaatameeyo halkaa lagu haystay ayaa la soo furtay, tiro dagaalyahannada Daacish ka mid ahna waxay noqdeen wax la dilay iyo wax maxaabiis ahaan loo kaxaystay.

Askari Ameerikaan ah ayaa weerarkaas ku dhintay. Afhayeenka Pentagonka Peter Cook, ayaa sheegay in weerarka la qaaday ka dib markii xog sirdoon oo ay heleen ay muujisay in dadkaas la dili lahaa. Waa markii ugu horraysay oo askeri Ameerikaan ah ku dhinto howlgal ka dhan ah Daacish

Peter Cook wuxu sheegay in Maraykanku kaalin taageero ah ka qaatay hawlgalka, ayadoo ay hogaaminayeen xoogagga Pashmerga, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in aysan micnaheedu ahayn in maraykanku uu si joogto ah ugu lug yeesho hawlgallada ka dhaca gudaha ciraaq.