Sweden: Iskuul lagu weeraray mindi

Lahaanshaha sawirka epa
Image caption Boliiska ayaa baaritaan ku samaynaya iskuulka.

Nin wajiga ka xiran oo wata mindi ayaa weeraray iskuul ku yaala koonfurta Sweden, meel u dhow magaalada labaad ee Sweden ee Gothenburg isagoo dilay macalin iyo arday.

Macalin iyo arday ayaa dhaawac culus soo gaaray oo lageeyay isbitaalka.

Ninka weerarka qaaday oo da'diisu tahay labaatan iyo dhowr ayaa soo galay maqaayada iskuulka, boliiska ayaa toogasho ku dilay.

Ra'iisalwaasaaraha Sweden, Stephen Lofven, ayaa ka hadlay sida uu uga naxay, isagoo sheegay inay maanta maalin madow ay u tahay Sweden.