Ciraaq: Maxaabiis laga badbaadiyay xasuuq

Lahaanshaha sawirka
Image caption Ciidamada Kurdiyiinta ayaa la dagaalamaya kooxda IS.

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka iyo Kurdiyiinta ee kumandooska, ayaa weerar ay ku qaadeen xabsi ay maamulaan kooxda IS ee Ciraaq ku soo daayay maxaabiis.

Ilaa toddobaatan maxaabiis ayaa la soo daayay, dhowr ciidaada IS ayuaa lagu dilay, qaarna la qabtay.

Hal askari oo Maraykan ah ayaa goobta ku dhintay. Pantegonka ayaa sheegay in weerarka la qaaday, kadib markii sirdoonka uu ogaaday in dadka la haysto la dili lahaa.

Dhimashada askariga Maraykanka ayaa ah qasaarihiii ugu horeeyay ee Maraykanka soo gaara tan iyo intii ay bilaabeen weerarka looga soo horjeedo IS.