Clinton: Masuuliyada falkii Benghazi waan qaatay

Lahaanshaha sawirka AP

Hillary Clinton oo ka mid ah dadka ugu cadcad inay ku soo baxaan musharraxnimada cidda Xisbiga Dimoqaraaddiga ugu tartami doonta doorashada madaxtinimada Maraykanka ayaa muddo 11 saacadood guddi ka tirsan Congress-ka ay su'aalo weeydiinayeen.

Guddiga waxa ay baarayaan weerarkii ka dhacay dhisme safaaradda Maraykanku ay ku lahayd magaalada Benghazi oo 4 qof oo safiirku jiro au ku dhinteen 2012.

Clinton waxa ay ahayd xoghayaha arrimaha debadda ee Maraykanka markii uu weerarkaasi uu dhacayay.

Waxa ay iska difaacday eedaymaha ah in aysan difaac ku filan siinin shaqaalahii ku sugnaa Benghazi.

Xisbigeeda waxa uu ku eedeeyay guddigaasi oo kooban xubna ka tirsan xisbiga Jamhuuriga in ay doonayaan in ay dhaawacaan sumcadeeda.

Macluumaad cusub oo ka soo baxay dhagaysigan ma jiraan.