Faransiiska: Ugu yaraan afartan ku dhimatay shil

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Waa shilkii ugu waynaa ee ka dhaca Faransiiska sannooyin badan.

Ugu yaraan afartan qof ayaa ku dhimatay shilkii ugu xumaa ee Faransiiska ka dhaca in kabadan soddon sanno.

Bas iyo baabuur wayn ayaa isku dhacay, kadibna uu dab qabsaday meel u dhow magaalada Libourne ee koonfur galbeed gobolka Gironde.

Masuuliyiinta dabdamiska ayaa sheegay in afartan iyo kow qof ee dhintay inay saarnaayeen baska.

Darawalkii baabuurka wayn ayaa dhintay. Dhowr rakaab ayaa badbaaday laakiin lama oga dhaawacooda.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in dowladda ay qaban doonto wax walba oo looga baahan yahay.