Ivory Coast oo diyaar u ah doorasho

Lahaanshaha sawirka
Image caption Dooarshada ayaa la filayaa iuu ku guulaysto madaxweynaha xukunka haya.

Cod bixiyayaasha Ivory Coast ayaa dooranaya madaxweyne cusub Axada, shan sanno kadib markii waddanka uu ka dhacay dagaal ka dhashay doorasho lau murmay, halkaasoo ay ku dhinteen saddex kun oo qof. kumanaan kalena ay ku barakaceen.

Aamin la'aan ayaa wali ka jirta siyaasada, iyadoo laba musharax ay ka baxeen tartanka, iyagoo sheegay inay ka walaacsan yihiin sida loo qabanayo doorashada.

Dadka tartamaya

Alassane Ouattara, Madaxweynaha xukunka haya oo ah dhaqaaloyahan u soo shaqayn jiray IMF, Mr Ouattara ayaa u sharaxan xisbiga talada haya ee RHDP.

Wuxuu mar ahaa Ra'iisalwasaare, ka horna gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Dalalka Galbeedka Afrika.

Charles Konan Banny, ayaa ahaa Ra'iisalwasaare dowladii Laurent Gbagbo.

Mr Banny, ayaa ah dhaqaaloyahan iyo gudoomiyahii hore ee Bangiga dhexe ee Dalalka Galbeedka Afrika, wuxuuna u tartamayaa si madaxbanaan.

Pascal Affi N'Guessan, ayaa ah musharaxa xisbiga mucaaradka ee FPI, wuxuuna ahaa ra'iisalwasaare 2000 ilaa 2003-dii.

Kouadio Konan Bertin, waa xildhibaan, wuxuuna mar ahaa hogaamiye dhalinyaro ee xisbigii Dimoqraadiga ee u talin jiray Ivory Coast.