Ardayda Koonfur Afrika oo banaanbaxaya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Banaanbaxa ardayda ayaa socday maalmo.

Kumanaan arday reer Koonfur Afrika ayaa ku mudaaharaadaya Pretoria, banaanbaxoodii ugu danbeeyay ee ay kaga soo horjeedaan lacagta jaamacada lagu dhigto oo la kordhinayo.

Inkastoo la adkeeyay ammaanka ardayda qaar ayaa la arkay iyagoo soo ridaya biro lagu ooday xafiisyada madaxweyne Zuma agteeda.

Madaxweynaha ayaa wadahadal kula jiray hogaamiyayaasha ardayda si ay uga hadlaan waxa ay u baahan yihiin.

Waxay doonayaan inaan la kordhin lacagta jaamacada lagu dhigto waqtiga dhow, iyo in lacag la'aan laga dhigo waxbarashada waqtiga dheer.

Jaamacada ayaa sheegtay inay u baahan yihiin inay kordhiyaan lacagta lagu dhigto jaamacada, si heerka jaamacada uusan hoos u dhicin.