Zuma oo joojiyay kororka lacagta jaamacada

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Ardayda ayaa ka banaanbaxaya lacagta jaamacada lagu dhigto oo la kordhinayo.

Madaxweynaha Koonfur Africa, Jacob Zuma, ayaa yeeshay inaan la kordhin doonin lacagta jaamacada lagu dhigto sanadka danbe.

Wuxuu hadlayay kadib markii uu wadahadal la yeeshay hogaamiyayaasha ardayda iyo jaamacadaha, kadib markii ay dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeeday qorshe lagu kordhinayo lacagta lagu dhigto jaamacada.

Mr Zuma ayaa sheegay inay jiri doonto baaritaano dowladda ay hogaaminayso oo lagu samaynayo mustaqbalka arrimaha waxbarashada.