Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

EU oo maanta ka shiraya xaalada mujaajiriinta

Shir madaxeed degdeg ah oo ku saabsan mushaakilka ay soo galootigu ku hayaan qaaradda Yurub ayaa lagu wadaa in maanata galinka dambe lagu qabto Brussels, halkaasoo ay madaxada waddamada bartamaha Yurub iyo Balkanka ay kaga xaajoon doonaan sidii la iskugu xiri lahaa jawaabaha ay mushaakilkaas ka bixinayaan.

Xaaladda ayaa kacsan gobolkaas ka dib go'aankii ay Hungary ku gaartay inay xudduuddeeda xirto, taasoo ku khasabtay tobanaan kun oo qaxooti iyo soo galooti isugu jira inay qaadaan dhabbe kale oo ay ku sii dhex marayaan Croatia iyo slovenia si ay u gaaraan Yurubta galbeed.

Haddaba shirkaan muxuu ka tarayaa dhibaatooyinka muhaajirinta ku qulqulayay dhawaanahan dalalkaasi, Fardowsa Maxamed Cilmi, ayaa ka wareysatay Tahliil Colad oo ah weriye madaxbanaan oo degan dalka Jarmalka