Ivory Coast oo manata ay doorasha ka dhacayso

Image caption Musharaxiinta u tartamayso xilka madaxtinimada

Dadka waddanka Ivory Coast ayaa maanta u dareeraya goobaha cod bixinta si ay u soo doortaan madaxweynahooda.

Laakin qaar ka mid ah qolyaha korjoogtada ah ayaa ka cabsi qaba in tiro badan oo dad ah aysan u soo bixin doorashada.

Doorashadii ugu dambaysay ee waddankaas ka dhacday 2010-kii ayaa natiijadeedu waxay noqotay in muddo 5 bilood ah uu waddankaas dagaal ahli ahi ka soconayey, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 3,000 oo qof, kumanaan kalena ay ku bara kaceen.

Qaar kamdi ah axsaabta mucaaradka ayaa qaadacay codbixinta manta oo ay ku sheegin aysan ahayn mid xaq ah.

Madaxweynaha haatan xilka haya Alassane Ouattara ayaa waxaa doorashadan kula loolamaya 7 musharax.