Heshiis ku saabsan xiisadda Qudus

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, John Kerry, ayaa sheegay in Israel iyo Jordan ku heshiiyeen tallaabooyin lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadda ka taagan dhismaha Masjidka Al-aqsa ee Qudus.

Arrimaha la xiriira dhimsaha loo yaqaano Xarmu shariif, ayaa ahaa halka ay dhawaan ka bilaabmeen rabshadaha Israel iyo Falastiin.

Kerry, ayaa hadalkan ka sheegay Jordan oo si rasmi ah mas'uul uga ah dhismahan diimeed. Wuxuuna sheegay tallaabooyinka lagu heshiiyay inay ku jiraan in dib loo cusbooneysiiyo ballanqaadka Israel ay ku sii jirayaan qawaaniinta jirta ee cibaadeysiga goobta iyo qorshooyinka wadahadalada ammaanka halkaasi lagu xoojinayo.