Qarax lagu dhintay oo Nigeria ka dhacay

Lahaanshaha sawirka Getty

Haweeney looga shakiyay inay is qarxisay, ayaa iyada iyo afar ruux oo kale ku dhinteen qarax ka dhacay magaalada Maiduguri ee waqooyi bari Nigeria.

Ugu yaraan toban ruux, ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo ka dhacay qeybta la yiraahdo Dala Yazaram ee magaalada.

Jimcihii, ayey labo qarax ka dhaceen masaajid ku yaal Maiduguri iyo magaalada Yola ee daris la ah gobolka Adamawa.

Ku dhawaad 50 ruux, ayaa loo maleynayaa in la dilay. Cidna ma sheegan qaraxyadan, balse kooxda Boko Xaraam, ayaa ka dambeysay weeraro badan oo halkaasi ka dhacay.