Maldives: Axmed Adheeb oo loo xiray

Lahaanshaha sawirka Getty

Madaxweyne ku xigeenka Maldives, Axmed Adheeb, ayaa la xiray isagoo lala xiriirinayo shirqool lagu dili rabay madaxweyne Cabdulla Yameen.

Bishii hore, ayuu dil ka badbaaday markii bam ku qarxay doon uu ku safrayay, waxaana ku dhaawacmay xaaskiisa.

Mas'uul, ayaa sheegay in Adheeb lagu soo oogay khiyaano qaran. Waxaana la xiray shaqaalahiisa ammaanka. Booliska wax faahfaahin kama bixin cadeynta waxa loo haysto Mr. Adheeb.

Sanadihii dhawaa, ayey Maldives ruxeen dagaal siyaasadeed oo dhexdooda ah. Horraantii sanadkan, ayey habka cadaaladda Maldives dhaliileen bulshada caalamka kaddib markii madaxweynihii hore, Moxamad Nasheed, loo xiray eedo la xiriira xagjirnimo.