Dhulgariir ka dhacay Afghanistan.

Lahaanshaha sawirka

Dhulgariir xoog leh oo sidoo kale laga dareemay India iyo Pakistan, ayaa ku dhuftay waqooyi bari Afghanistan.

Wararkii ugu horeeyay ee dhulgariirka, ayaa sheegaya in cabirka gariirka uu ahaa toddoba dhibic toddoba, wuxuuna ka dhacay 80 kilomitir koonfur bari magaalada Feyzabad ee goobaha fog ee Afghanistan.

Gariirka, ayaa laga dareemay Delhi. Boqolaal ruux oo ka cararay dhismooyinka, ayaa u soo baxay wadooyinka magaalada xarunta u ah India. Qadadka isgaarsiinta iyo korontada, ayaa meelo badan oo Afghanistan ah ka go'ay.

Inta ay la egtahay waxyeelada, ayaa weli la ogeyn.