Yurub iyo Balkanska oo heshiis gaaray

Lahaanshaha sawirka AFP

Hoggaamiyayaasha bartamaha Yurub iyo dalalka Balkanska, ayaa ku heshiiyay in ay u sameeyaan hoy kummeelgaar boqol kun oo kale oo muhaajiriin ah oo isku dayaya inay gaaraan Yurub.

Waa mid ka mid ah tallaabooyin taxnaa oo lagu ansaxiyay kulanka dag-dag ahaa ee ka dhacay magaalada Brussels.

Boqolaal Boolis ah, ayaa loo dirayaa dalalka Slovenia iyo Giriiga si ay gacan uga geystaan in ay ka hortagaan muhaajiriinta ka soo gudbaya xuduudahooda.

Wadamada ayaa sidoo kale ballanqaaday inay kordhiyaan wada shaqeynta

Madaxweynaha golaha Yurub, Jean-Claude Juncker, ayaa sheegay in habka kaliya ee lagu soo celin karo nidaamka uu yahay in dowladuhu joojiyaan inay muhaajiriinta u weeciyaan dalalka dariska la ah.