Masaajid Sacuudiga oo la wareeray.

Masaajid ku yaala Sacuudiga ayaa la wareeray.

Telefishinka dowladda, ayaa sheegay in ugu yaraan hal ruux la dilay, iyadoo tiro kalena ay ku dhawacmeen magaalada koonfurta Sacuudiga ku taala ee Najraan.

Ilo wareed kale, ayaa sheegaya in weerarka uu ahaa mid isqarxin, ayna tirada dhimashada intaa ka badan tahay.

Sanadkan ayey dhaceen dhowr weerar oo lagu qaaday masaajidyo ku yaal Sacuudiga, kuwaasi oo ay sheegteen kooxda isugu yeertay dowladda Islaamka.

Shiicada Sacuudiga laga tirada badan yahay, ayuu bartilmaameedku ahaa.

Goboblka Najraan, ayey deggan yihiin tiro badan oo Shiicada Ismaaciiliyiinta ah.