Tanzania waxaa ka socoto tirinta codadka

Image caption Haween ka codaynaya Zanzibar

Dalka Tanzania waxaa ka bilaabatay tirinta codadka doorashadii madaxtinimada ee shalay ka dhacday dalkaasi.

Wararku sheegayaan in dadku ugu soo baxay doorashada ay aad u badnaayeen.

Xisbiga CCM ee 50-ka sano xukunka hayey waxa uu loollan adag kala kulmay xisbiyo isu tegey.

Kooxaha korjoogtada ah ayaa sheegaya in inay adag tahay in la sii saadaaliyo cidda ku soo bixi doonta maadaama labada musharrax ee John Magafuli iyo Edward Lowassa ay aad isugu dhow yihiin.

Madaxweynaha xilka ka sii degaya, Jakaya Kikwete, kama qeyb qaadanin doorashadan, maadama uu laba xilli doorasha soo hogaamiyay dalka.

Guddiga Doorashada waaa in uu sida sharcigu qabo ku dhawaaqa natiijada muddo todobo cisho gudahood, balse guddoomiyaha Guudigaasi ayaa BBC-da u sheegay in uu filayo in muddo afar malamood gudahood lagu dhawaaqi doono natiijada madaxtinimada.